Madaxweynaha Cusub ee Ukrain oo La Dhaariyay

Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ayaa sheegaya in Crimea “ay tahay, oo ay ahayd, ayna ahaan doonto mid ay leeyihiin reer Ukrain."

Ganacsadaha hodanka ah ayaa Sabtidan loo dhaariyay xilka madaxweyne-nimo isagoo noqonaya madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu ka go’ay midowgii sovieti. Munaasabadda ayaa ka dhacday caasimadda Kyiv, isagoo lagu hor dhaariyay mudanayaasha baarlamaanka, hoggaamiyayaasha caalamka, iyo madax kale oo sare, oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden.

Mr. Poroshenko ayaa qudbaddiisii dhaarinta ku sheegay in uusan oggolaan doonin qabsashada Ruuskha ee gobolka Crimea. Xukuumadda Mosko ayaa askar u dirtay gacanka badda madow horraantii sanadkan waxaana ay maamulkeeda la wareegtay bishii March.

Hoggamiyaha Ukrain ayaa sidoo kale billaabay wadahadal uu la galayo muwaadiniinta ku sugan bariga waddanka, halkaaso oo gooni u goosato taageersan Ruuskha uu dagaal ku dhex maray xoogagga Ukrain.
Mr. Poroshenko ayaa ku guuleystay badi codadka doorashadii dhacday bishii May 25-keedii taasoo ay ku loolamaneey 21 musharax.