Dagaallo Hor Leh oo ka Socda Bariga Ukraine

Ukraine - Mariupol

Ciidamada ammaanka ee Ukraine ayaa dib ula wareegey magaalada dekedda leh ee Mariupol, oo ku taalla gobolka Donetsk, waxaana gacan ku haynta magaaladaasi ay ahayd mid beryahan isbeddel badan uu ku yimid oo hadba dhinac uu qabsanayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Arsen Avakov ayaa sheegay ciidamada Ukraine ay calanka dalka ka taageen dhismaha maamulka dowladda ee magaalada.

Kooxaha gooni u goosadka ee Russia taageersan ee magaalada Mariupol ayaa sheegay in shan ka mid ah dagaalyahanadooda lagu diley dagaalka.

Maalintii Khamiista kooxaha gooni u goosadka ee magaalada Donetsk ayaa sheegay in gaari uu isticmaalo hoggaamiyaha gooni u goosadka Denis Pushilin ayaa ku qarxey bartamaha magaalada, waxaana ku dhaawacmey saddex ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Fallaagada ayaa sheegay in Pushilin –oo ka mid ah madaxda Jamhuriyadda is magacawdey ee Donetsk, aanu saarneyn gaariga markii qaraxa uu dhacay.