Kenya oo Safaarad ka furanaysa Soomaaliya

  • Sahra Abdi
Kulan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay yeesheen madaxweyne Kuxigeenka dalka Kenya Willaim Ruto iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheikh Ahmed Maxamed ayaa waxaa ay uga hadleen xariirka labada dal, Amniga iyo xoojinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Kulankasi kadib ayaa Madaxweyne Kuxigeenka dalka Kenya William Ruto waxaa uu sheegay in Kenya ay safaarad ka furan doonto magaalada Mogadisho dhowaantan.

Kenya ayaa ciidamadeedu waxaa ay galeen Soomaaliya bishii October sanadkii 2011, kadib markii ay mowjado weeraro ah ay kala kulantey Ururka Alshabab. waxii markaasi ka dambeyey waxaa soo noqnoqonayey weerarad iyo qaraxyada lala beegsanayo meelo kamid ah dalka Kenya.

Hadii safaarada ay Kenya ka furato Soomaaliya waxey noqonaysaa markii ugu horeysay muddo ka badan dhowr labaatan sano.