Niman ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xarun ay isticmaallaan ciidanka Djibouti oo ku taalla degmada Buuloburde ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalkaasi waxaa ku dhintay 2 ka tirsan ciidanka Djibouti iyo laba ka tirsan maleeshiyada ururka al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Buuloburde, Axmed Cabdi Weheliye ayaa VOA u xaqiijiyay weerarka, wuxuuna sheegay in dableydu ay doonayeen inay gudaha u galana xarunta, balse ay ciidanka Djibouti ka hortageen.
Bishii March ee sannadkan, weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay hotel ku yaalla degmada Buuloburde ayaa waxaa ku dhintay 6 ka tirsanaa ciidanka Djibouti.