Shir Looga Hadley Xanuunka Ebola oo ka Dhacay Ghana

Ebola spreads in West Africa

Sarkaal sare oo dhinaca caafimaadka ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in faafitaanka cudurka Ebola ee ka dilaacay Galbeedka Afrika uu sii socon karo dhowr bilood oo kale.

Keiji Fukuda ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay inaaney suuragal ahayn in si cad loo saadaaliyo xaddiga uu cudurkan ku sii faafi karo.

Mr Fukuda waxaa uu hadalkan ka jeediyey dalka Ghana markii halkaasi lagu soo gabagabeeyey shir deg deg ah oo laba maalmood socdey oo ay yeesheen wasiirada caafimaadka ee qaaradda Afrika iyo khubaro kale. Cudurkan ayaa ilaa iyo haatan dad gaaraya 467 ku diley waddamada Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone.

Wasiirrada ayaa shirka ku soo bandhigey dhowr qodob oo talo soo jeedin ah. Waxaa ka mid ah in bulshada la wacyigeliyo, in hoggaamiyeyaasha diinta iyo kuwa siyaasadda ay dadka ku wacyigeliyaan arrimaha xanuunkan, isla markaana lacag hor leh la geliyo barnaamijyada lagula dagaalamayp xanuunka Ebola.

Wasiirrada caafimaadka ee Afrika ayaa sheegay in cudurka Ebola uu khatar ku yahay dhamaan dalalka ku yaalla gobolka iyo meelo ka sii fog intaba.