Dawladda Kenya ayaa ruqsaddii ama liisankii shaqada kala laabatay ilaa 13 shirkadood oo ah kuwa Xawilaadaha iyo kuwo weliba kuwa sarrifka.
Tallaabadan ayaa ka dambaysay weerarkii toddobaadkii hore ururka Al-Shabab ay ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen dad ku dhow 150 qof.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku baaqday inana ciriiri la gelin hay’adaha xawilaadaha, waxayna dawladda Soomaaliya ka digtay in tallaabadaasi ay dhaawici doonto dadaallada nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya. Shirkadaha ayaa sheegay in eedaha la xiriirinaya ururro xagjir ah inaysan waxba ka jirin.
Dhinaca kalena Ganacsatada Kenya ayaa si weyn u cambaareeyey tallaabada ay dawladdu qaadday oo ay sheegay inay dhibatao badan u keeni doonto ganacsatada iyo dadka Soomaalida ah.
Your browser doesn’t support HTML5