Soomaali lala Xiriiriyey Weerarkii California

Maxamed Cabdullahi Xasan ayaa la sheegay inuu sanadkii 2007-ka tagay dalkan Maraykanka, kuna biiray argagixisada.

Nin Somali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi Xasan kuna magac dheer Miski ayaa lala xiriiriyey in uu ku lug lahaa weerarkii toddobaadkii hore ka dhaceen magaalada San Bernardino ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Maxamed Cabdullahi Xasan ayaa la sheegay inuu sanadkii 2007-ka tagay dalkan Maraykanka oo isaga iyo qoyskiisuba ay ku noolaayeen kadibna uu ku biiray ururka Al-Shabaab ugana si gudbay Daacish.

Sida ay wararku lee yihiin, Maxamed ayaa baraha internet-ka u adeegsan jiray fariimaha xagjirnimada ah ee uu ku dhiiri galinayo weerarada abaabulaan.

Waxa uu sidoo kale barta twitter-ka u adeegsaday inuu dad badan ku dhiiro-geliyo inay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah, isaga oo afhayeen ahaan u hadli jiray.

Sahra Ciidle Nuur ayaa qadka teleefonka ee Minneapolis kula xidhiidhay Cabdirizaaq Biixi oo arrimaha bulshada Soomaalida Maraykanka u ololeeya, kana wareysatay arrimahan.