Mareykanka Oo Dad Badan Masaafurinaya

Soo galootiga Mareykanka oo sharci dalbanaya (Sawir hore)

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in howlgalkan baaxadda leh lagu musaafurin doono in ka badan boqol kun oo qoys.

Wasaaradda amniga gudaha ee Mareykanka, ayaa suuragal ah inay billowdo horraanta bisha January musaafurinta qoysaska sida sharci darrada ah ku jooga Mareykanka, sida uu daabacay wargeyska Washington Post.

Wargeyska, ayaa sheegay in Mareykanku uu isku diyaarinaayo howlgallo is daba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo qoysas la sheegay inay Mareykanka ku soo galeen si sharci darro ah tan iyo billowgii sanadkii hore.

Wargeyska oo aan magacaabin il wareed uu soo xigtay, ayaa ka dhawaajiyay in howlgalkan oo noqonaya sida uu yiri mid waddankoo idil laga sameeyn doono, islamarkaasina uu billaaban karo horraanta January, kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan waaxda socdaalka Mareykanka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in howlgalkan baaxadda leh lagu musaafurin doono in ka badan boqol kun oo qoys, kuwaas oo ka soo galay Mareykanka xadka dhinaca koonfureed tan iyo sanadkii hore. Badi qoysaskaasi ayaa ka soo baxsaday qalalaasaha ka taagan dalalka bartamaha Ameerika.