Wasiirka Warfaafinta, Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sharcigan cusub ee Saxaafadda mid fursad siin doona wariyayaasha Soomaaliyeed.
MUQDISHO —
Baarlamanka Soomaaliya ayaa 28-kii bishan ansixiyay xeerka saxaafadeed ee qaran ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah qodobada ku jira xeerkan ayaa suxufiyiinta qaar ay cabasho ka muujiyeen.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku tilmaamay sharcigan cusub ee Saxaafadda mid fursad siin doona wariyayaasha Soomaaliyeed, una sahli doona qabsashada shaqadooda.
Wariyeheenna Xasan Kaafi Qoyste oo shirkaasi Jaraa’id tagay ayaa warbixintan inoo soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5