Wasiirka waxbarashada Soomaalida Khaddar Bashiir, ayaa sheegtay in warbixinta UNESCO ay sheegeyso in Af-Soomaaliga uu halis ku jiro.
MUQDISHO —
Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta kaga dhawaaqday Magaalada Muqdisho olole lagu xoojinayo Af-Soomaaliga.
Wasiirka waxbarashada Soomaalida Khadar Bashiir oo waraysi siisay VOA ayaa sheegtay in warbixin UNESCO ay ka soo saartay Afka Soomaaliga ay ku sheegtay in xilligan loo baqo haddii aan la xoojin.
Wasiirka ayaa sheegtay in xafiisyada dolwladda Soomaaliya mar labaad lagu amray in ay isticmaalaan Afka Soomaaliga.
Wariyeheenna Cabdulqaadi Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5