Warbixin: Soomaalida Kenya Ee La La' Yahay

Mandera, Kenya

Soomaali badan oo ka mid ah kuwa woqooyiga bari ee Kenya ayaa la waayey, oo aan dib loo arag, lamana oga sababta.

Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxuu xuduud dheer la leeyahay gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya qaarkood.

Gobolka oo ay asal ahaan degaan dadka Soomaalida ah, ayaa noqdey bartilmaameed ay weeraro joogto ah ka geystaan Al-Shabaab, ayada oo ciidamada Kenyana ay howlgallo ka fuliyaan.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya billaabeen howgallada la dagaalanka argagixisada waxaa la waayey tiro dad ah oo ka mid ah kuwa deegaanka.

Ciidamada Kenya ayaa ku riixa falalkan dadka la la’ yahay ah kooxda Al-Shabab, iyadoo Al-Shabaabna ay ku eedeeyaan ciidanka Kenya inay ayaga dadka la baxaan.

Warbixintan gaarka ah, ayaa weriyaheena Sahra Cabdi Axmed waxa ay ku eegeysaa xaqiiqda dadka Soomaalida ah ah ee laga la’ yahay Kenya iyo cidda ka dambeysay.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaalida Kenya Ee La La' yahay