Wasiirka Amniga Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa VOA-da u sheegay in la soo gabgabeeyay hawlgalkii Liido , iyada oo tirada dhimashadu gaarayso 20 qof oo ay ku jiraan afar ka mid ah al Shabaab.
Hawlgalkan ayaa socday 10 saacdood .
Wasiirka ayaa xaqiijiyay war ay hore u shaacisay hay'aydda NISA oo tilmaamayay in la qabtay hogaamiyihii weerarkan soo abaabulay.
Hay'adda NISA ayaa mar hore sheegtay inay qabteen ninkii hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday maqaayadda iyo hotel-ka ku yaalla Xeebta Liido.
Hay'adda nabadsugida qaranka ayaa VOA u sheegtay in la dilay inta badan maleeshiyadi weerarka geysatay, dhammaana la soo bad-baadiyay dadkii ku jiray maqaayadda weerarka lagu qaaday.
Ninka la qabtay ayaa wararku sheegayaa inuu yahay nin "muhiim" ah, oo loo baadigoobayay weerar hore oo lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Daawo Muuqaalka weerarkii Xeebta Liido.
Your browser doesn’t support HTML5