Qaraxa oo ka dhacay duleedka magaalada Maiduguri, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 17 qof oo kale.
MAIDUGURI —
Ugu yaraan hal qof ayaa isku dhex qarxiyey masjid ku yaalla duleedka magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria, halkaasi oo 22 qof ay ku geeriyodoeen, 17 kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbixino soo baxay ayaa sheegaya in weerarkan uu maanta oo arbaco ah ka dhacay xaafadda Umarari ee duleedka magaalada.
Magaalada Maiduguri ayaa la rumeysan yahay inay tahay halkii kooxda mintidka ah ee Boko Xaram ay ka abuurantay, sidaas darteedna waxay xudun u tahay dagaalka dowladda Nigeria ay kula jirto kooxdaasi.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee kooxda Boko Xaram ayaa inta badan weeraro ka fulisa magaalada.