Dareenka Soomaalida Mareykanka Doorashada Somalia

Doorashada Soomaaliya

Waxaa qeybaha kala duwan oo Soomaaliya ka socda soo xullista xubnaha labadda aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Xullista xubnaha labadda aqal waxaa ka soo baxaya dhalliilo baddan. Beesha Caalamka ayaa ka hadashey musuq maasuqa iyo nin jecleysigalagu arkey soo xullista xubnaha baarlamanka oo ka dhacaya xarumaha maamul goboleedyada.

Hadaba Soomaalida Mareykanka ku nool oo dhawaan uun ka soo baxay doorasho dalkan culeys baddan iyo saameyn ku yeelatey, waxa ay mar kale u dheg taagayaan waxa ka dhicikara dalkooda hadii aysan cadaalad shaqeyn ama aan la dhageysan dareenka dadku qabaan iyo nooca dowladnimo ee ay doonayaan.
Warbixintan ayey Falastin Ahmed Iman ku eegeysaa dareenka qaar ka mida Somalida Mareykanka iyo dareenkooda ku aadan doorashada.

Your browser doesn’t support HTML5

Doorashada iyo Soomaalida USA