Caqabado Puntland Ka Heysta La Dagaalanka Shabab

Galgala

Madaxii hore ee sirdoonka Puntyland ayaa sheegay in Puntland ay caqabado waaweyn ka haystaan la dagalanka Al-Shabab.

Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi Yare” ayaa sheegay in hoggaan-xumo, khibrad la’aan madaxda ciidanka heysata iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga oo aan adkayn ay ka faa’iidaysteen mnaleeshiyada ururka Al-Shabab. Taasina ay horseedday weerarradii cuslaa ee lagu qaaday saldhigga Af-Urur.

Hase yeeshee dawlad goboleedka Puntland waxay horey ugu adkaysatay inay ku jirto dagaal adag, ciidankooduna ay ku filan yihiin inay iska difaacaan isla markaana ka saaraan Al-Shabab buuralayda Galgala.

Warbixintan waxaa inoo haya Haaruun Macruuf.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Shabab vs Puntland