Marcelo oo Loo Heysto Eedeymo Canshuuro La Xiriira

Xiddiga Real Madrid, Marcelo, ayaa masuuliyiinta Spain waxay ku eedeynayaan in uu ku lug yeeshay wax isdaba marin xagga canshuuraadka ah oo ku dhow €490,000 (£436,000; $576,000).

Khaladaadka iyo wax isdaba marinta ayaa lala xiriirnayaa isticmaalka shirkado shisheeye si ay u maareeyaan dakhliga uu ka helayay xaquuqda masawiradiisa, sida uu sheegey dacwad ooge Spain u dhashay.

29 sano jirka reer Brazil ayaan wali ka hadlin eeddani.