Taliyayaasha milatariga Amisom iyo Soomaaliya oo kulmay

Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Kulankan ayaa yimid toddobaad kadib qaraxii Zoobe ee shacabka badan lagu laayey, waxaana socda dadaallo dowladda ku dooneyso inay dagaal ku qaaddo kooxda Al-Shabaab.

Gabagabadii shirkaasi ayaa taliyayaashu ay la hadleen saxaafadda. Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Seynab Abuukar