Walaac amni oo ka jira Waqooyi Bari Kenya

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in gaadiidka rakaabka laga mamnuucay maalintii saddexaad inay isticmaalaan jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera.

Go’aankan ay dowladda Kenya ku hakisay baabuurta rakaabka ayaa yimid ka dib markii isniintii la soo dhaafay maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ay jidka u galeen gaari rakaab ah iyo ciidamo boolis ah oo galbinayay deegaanka Daba City oo Mandheera ka tirsan.

Wariyeheenna Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrintan ka wareystay wariyeheenna Gaarisa Maxamed Faarax Shire.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga weriye Shire