Shabaab oo Shan Ruux ku Toogatay Shabeellaha Hoose

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa shalay galab degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha hoose waxa ay ku toogteen shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay dowladaha Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Shantan qof ayaa lagu toogtay meel fagaara ah, iyadoo ay dadweyne daawanayeen.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa dhacdadan ka wareystay gudoomiyaha degmada Baraawe Aaden Cumar.

Your browser doesn’t support HTML5

Shabaab oo shan ruux ku dishay Kuntuwaarey