Amniga Boosaaso oo La Adkeeyay Xilli la Filayo in Madaxweyne Farmaajo uu Booqdo

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa soo saaray amarro cusub oo dhinaca ammaanka ah, xilli ay magaaladu qabanqaabo ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo maalmahan booqasho ku maraya Puntland.

Bosaaso, oo ay ka dhaceen falal amni dari iyo kuwa argagixiso, ayaa waxa ku dhow buuraha Galgala oo ay Puntland muddo kula dagaalameysay maleeshiyada ururka al-Shabab iyo kooxda ISIS.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Amniga Bosaso oo la adkeyay