Raila Odinga oo loo Dhaariyey "Madaxweynimo"

Kummaan taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga, ayaa maanta isugu yimid magaalada Nayroobi, halkaas oo ay ku caleemo saareen Raila in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi.

Doorashadii ka dhacday Kenya sanadkii hore ayaa waxa ku guuleystay Uhuru Kenyatta oo mar kale xafiiskaasi hoggaamin doona, hayeeshee mucaaradka Kenya ayaa doorashadaasi qaaddacay, sheegeyna in wax la is daba mariyay, iyaguna ay yihiin kuwa guuleystay.

Maryan Maxamuud Barre, ayaa warbixintan Nayroobi ka soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Raila oo taageerayaashiisa ay Madaxweyne u dhaariyeen