Wareysi Gaar Ah: Sanbaloolshe oo Ka Hadlay Arrimo Dhowr Ah

Agaasimihii hore ee hay'adda nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhalliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga guulaystay kursigiisii hore ee baarlamaanka.

Sanbaloolshe, ayaa ku eedeeyey dawladdu in ay faragelin ku samaysay doorashadaasi isla markaana ay dhaqaale ku taageertay musharraxa ku guulaystay doorashadaasi ee Nuur Iidow Bayle.

Sanbaloolshe, ayaa ka hadlay arrimo kale oo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku wareejisay.

Haaruun Macruuf aya akula xiriiriy khadka telefoonka Muqdisho, waxaana uu uu weydiiyey sida uu u arko marka hore doorashadii xildhibaannimada ee looga adkaaday.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Sanbaloolshe oo Dhameystiran

Dhinaca kalena, waxaa eedddaa kasoo yeertay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe beeniyey, Nuur Iidow Bayle oo isagu jagadaasi ku guulaystay. Weriyahayaga Jamaal Axmed Cismaan ayuu u warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Jawaabta Xildhibaan Iidow