Hiiraan: Shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo Dagaallamay

Wararka ka imanaya gobolka Hiiiraan ayaa sheegaya in maanta ay dagaallo ka dhaceen degaan u dhow magaalada Beledweyne kuwaasi oo dhexmaray ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabab.

Ciidamada gobolka ayaa wada hawlgal socda maalintii Afraad oo ay ku qaadeen saldhigyada maleeshiyada Al-Shabab.

Sahra Ciidle Nuur ayaa dagaalkan ka waraysatay Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Milatariga Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo xiriir la sameeyey saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal ka dhacay Hiiraan