UAE: Waan Joojinay Tababarkii Ciidamada Soomaaliya

Qaar ka mid ah ciidan tababar loogu soo xirey Muqdisho. 20/01/2016. Photo by Villa Somalia

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu kala diray barnaamijkii tababarka milatari ee uu u fidin jiray ciidamada Somaliya.

Qoraalkan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka uu talaabadaasi kaga jawaabayo, lacag ay dowladda Somaliya dhawaan ku qabatay Muqdisho oo uu imaaraadka lahaa.

Hadaba Maxay u dhimeysaa talaabadaa dhismaha ciidanka Somalia?, Maxeyse uga dhigantahay xiriirka labada wadan ee mudooyinkanba sii xumaanayay? Su’aalahaa iyo kuwo kale ayaan hordhigay, bare sare, Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota ee dalkan Mareykanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Falanqeyn Imaaraadka oo Joojiyay Tababarkii Ciidanka Soomaaliya