Qalliin nooc cusub oo laga sameeyey Hargeysa

HealthBeat Eye Surgery

Qalliin noociisu ku cusub yahay dalka oo xagga indhaha ah, ayaa xalay lagu sameeyay magaalada Hargeysa.

Qalliinkan oo dadka lagaga beddelayo isha qaybta madow, ayaa lagu sameeyay toddoba qof oo ka mid ah kuwa hore dhaawacu uga gaadhay indhaha.

Dr. Maxamuud Axmed Shiine oo ka tirsan maamulka cisbitalka Manhal ee qalliinkan sameeyay, ayaa sheegay in qalliinkan oo hore dibedda loogu tegi jiray ay dadka kaga bixi jirtay lacag aad u badan.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa la kulmay bukaanka qalliinka lagu sameeyay iyo digtoorkaba, waxaanu marka hore faahfaahin waydiiyay Dr Shiine.

Your browser doesn’t support HTML5

Qalliin nooc cusub oo laga sameeyey Hargeysa