Ilhaan Cumar oo u dhow inay taariikh sameyso

Dadka Mareykanka ah ayaa dooran doona talaadada bari ah 435 xubnood oo ka mid noqonaya Aqalka Congress-ka iyo 35 kursi oo ka mida 100 kursi ee senate-ka.

Sidoo kale waxaa la dooran doonaa. gudoomiyayaasha gobollada iyo xafiisyada heer degmo.

435 kaas xubnood waxaa ka mida Ilhan Cumar, oo ah gabar Soomaali Mareykan ah, oo haddii ay guuleysato noqoto qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee gala congress-ka.

Hadaba warbixin ku saabsan qaban qaabada doorashada iyo waxa laga fili karo waxaa magaalada Mineapolis inooga soo direy wariyaheena Jacfar Kuukaay.

Your browser doesn’t support HTML5

Ilhaan Cumar oo u dhow inay taariikh sameyso