Muqdisho: Xarun Caafimaad oo la Xiray

Bukaan qaba cudurka HIV-AIDS ayaa sheegay in la xiray xarun caafimaad oo ay ka qaadan jireen daawooyinka ay u qaataan xanuunkaasi, waxayna ku eedeeyeen Gudoomiyaha Degmada Shibis inay xirtay xaruntaasi. Sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay VOA in xarunta ay ku tiirsanaayeen in ka badan 200 qof oo qaba xanuunka HIV/AIDS iyo 286 qof oo qaba Xanuunka TBda.

Dadka qaadan jiray daawada oo qaarkood la hadlay VOAda ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan xaaladooda caafimaad.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Xarunta la Xiray