28ka Nov. oo loo Qabtay Doorashada K. Galbeed

Maanta waa 17-ka Novembar, waana maalintii loo muddeeyay inay qabsoonto doorashada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Hase ahaatee doorashadaasi ayaa dib u dhacday muddo laba todobaad ah, waxaana lagu wadaa inay qabsoonto 28ka bishan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyeen xubno lagu dhameystirayey Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed, oo xubno horey isu casileen.

Wariyaha VOAda Muqtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Doorashada K. Galbeed