Dowladda Soomaaliya oo eriday Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya

Nicholas Haysom

Dowladda Soomaaliya ayaa eriday ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, kaddib marki ay ku eedeysay inuu faragalin ku sameeyey madaxbanaanida dalka Somalia.

Warsaxaafadeed shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku wargeliysay in Mr. Haysom inaanan waddanka laga rabin kana shaqeyn karin.

Waxay dowladda ku eedaysay inuu jabiyay hab-maamuuskii iyo dhaqanki xafiiska uu madaxda ka yahay isla markaana faragelin cad ku sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya.

Haddaba, diblomaasiyan maxay ka dhigan-tahay in dowlada Somalia ay erido Wakiilkii Q.M maxayse u dhamikartaa wada shaqeyntii Q.M iyo Somalia, gaar ahaan howlgalka Midowga Africa ee ay Q.M gacanta ku hayso iyo howlihii ay dalka ka hayeen.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintaan ka diyaarisay.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso warbixinta