WSJ: Maraykanka oo ka Fikiray Duqeynta Iran

Wargayska muxaafidka ah ee Wall Street Journal ee kasoo baxa dalkan Maraykanka ayaa sheegay in sannadkii hore Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ee Aqalka Cad oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Amniga Qaranka John Bolton uu Wasaaradda Gaashaandhigga weydiistay isku dubaridka qorshayaal lagu duqayn karo Iraan.

Tallaabadan ayaa wargaysku sheegay inay ka dambaysay markii hoobiyeyayaal ay kusoo dhaceem meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Baqdaad bishii Sebtember kuwaasi oo aysan cidna waxba ku noqonin. Ma cadda in qorshayaashan loo bandhigay Aqalka Cad iyo inuu ogaa Madaxweyne Trump.

Haddaba arrintan ayaa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu ka waraystay Axmed Xirsi Maalin oo ka faallooda arrimaha Islaamka kuna Qaahira.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Qorshaha Duqeynta Iran