Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey wax ka bedel lagu sameeyey xeerka Bankiga Dhexe ee dalka.
Sharcigan la hor geeyey xildhibaanada ayaa waxaa ogolaaday 158 xildhibaan, ayada oo 17 ay diideen, waxaana la sheegay inaysan jirin cid ka aamustay.
Xeerkan cusub ayaa ogolaanaya in xilalka maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay qaban karaan dad aan Soomaali ahayn.
Shuruudda koowaad ee qabashada xilka maamulka Bankiga Dhexe, ayaa ka hor wax-ka-beddelka xeerka Bankiga dhexe ahayd, in qofka yahay muwaadin Soomaali ah.
Arrintan ayaa imanayesa ayada oo warbahainta Soomaalida ay aad u werineyso in qof aan Soomaali ahayn la doonayo in loo magacaabo guddoomiyaha Bankiga Dhexe.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Your browser doesn’t support HTML5