QM: Kala bar ayaan helnay lacagtii loo baahnaa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay heshay in ka badan kala badh lacag 4 bilyan oo dollar ah oo ay ugu talagashay in lagula tacaalo xaaladaha bani’aadannimo ee ka taagan dalka ay dagaallada aafeeyeen ee Yemen.

Kulan ay QM soo qaban qaabisay oo Talaadadii shalay lacago loogu yaboohayay dadka reer Yemen ayaa dalalka deeqaha bixiya ay ballan qaadeen 2.6 bilyan oo dollar.

Haddaba waa sidee xaaladaha bani’aadannimo ee hadda ka taagan Yemen iyo daruufaha ay ku noolyihiin dadka dagan magaalooyinka ay dagaaladu saameeyeen oo ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen.

Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayaa Nur Bukhaari uu weydiiyay wariye Maxamed Koronto oo ah saxafi dagan magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Xaaladda Yemen