Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Somalia uga baxay magaalada Faaxadhuun ee Gobolkaas Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen maleeshiyada ururka Al-Shabab.
Waxaa jirta cabsi ah inay sidaasi oo kale ciidamada Kenya ka baxaan magaalada Busaar oo ay kaga harsan yihiin Gobolka Gedo.
Haaruun Macruuf ayaa arrimahan ka waraystay Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo ku sugan Baardheere.
Your browser doesn’t support HTML5