Wasiirkii dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta ku geeriyooday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Sida ay mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ay sheegeen Xoosh Jibiril ayaa waxaa ku dhacay xanuun deg deg, ah xilli uu booqasho qoys uu ku joogey Imaaradka Carabta.
Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wasaaraaddiiisa, waxay waayadan ku mashquulsaneyd dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya.
Warbixin ku saabsan geeridiisa iyo taariikhdiisa waxaa inoo soo diyaariyay Jaamac Buule Jaamac.
Your browser doesn’t support HTML5