Guuleed: Dowladda fursad ha siiso dadka Galmudug

Guuleed

Madaxweynihi hore ee maamul goboleedka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay dhexdhexaad ka ahaato xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, isla markaana ay fursad siiso dadka gobolka.

Hadalka Guuleed ayaa yimid ayada oo xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna ay ka taagan tahay magaalada Dhuusomareeb, kadib markii Ahlu-Sunna ay ku eedeysay dowladda inay burisay heshiis ay labada dhinaca wada galeen.

Wareysi ku saabsan xaaladda Galmudug ayuu Cabdikarim Guuled siiyay wariyaha VOA-da Nur Bukhaari. Ugu horreyn wuxuu ka hadlayaa shir waxgarad kasoo jeeda Galmudug uga socda magaalada Hobyo.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan gujji si aad u dhageysato wareysiga