Mas’uulyiin ka tirsan Wadamada Urur Gobboleedka IGAD oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu shir uga socoday magaalada Nairobi ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in 27 Milyan oo ruux oo ku nool wadamada Geeska Africa ay la dhibaataysan yihiin xaalado adag oo dhanka nolasha ah gaar ahaana abaaro iyo macluul.
Warbixinta ay soo saartay IGAD waxaa ay ku sheegtay in wadamada ugu daran ee ay dhibaatooyinkaasi ay ka jiraan ay yihiin Ethiopia iyo Suudaan.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 2 million oo Soomaaliya ku nool ay ka mid yihiin 27 kaas million.
Hadaba Dr. Cabdi Jaamac oo ah Isku duwaha xafiiska la dagaalanka Abaaraha iyo nafaqada darrada ee IGAD ayaa daraasadda ay sameeyeen uga warramay Wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Your browser doesn’t support HTML5