Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la ballaarinayo

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhowaaqay ballaadhin lagu samaynayo garoonka diyaaradaha ee magaalo-xeebeedda Boosaaso.

Ku-dhowaaqista ayaa kusoo beegantay iyadoo Boosaaso uu booqanayo wafdi ka socda dawladda Imaaraadka Carabta oo mamaulku sheegeen inay gacan ka gaysanayso ballaadhinta garoonkaasi.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in garoonka lagu soo biirin doono terminal cusub oo suurta-gelin doona inuu noqdo garoon ka mid ah kuwa ugu weyn Bariga Afrika.

Lama shaacin goorta la billaabayo mashruuca ballaarinta iyo qiimaha ku baxaya midna.

Warbxintan waxaa noo soo dirtay weriyaha VOA-da ee Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac.

Your browser doesn’t support HTML5

Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la ballaarinayo