Ciidamo ka tirsanaa Danab oo qaraxyo lagu dilay

Warar goor dhowayd naga soo gaaray Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in laba qarax ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Afgooye iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

Mid ka mid ah saraakiisha amniga Afgooye ayaa VOA u sheegay in labada qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda

Ugu yaraan lix askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxyadan. Askarta dhimatay ayaa la sheegay inay ka tirsan cidiamada Danab.

Weli dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin qaraxyadan ugu dambeeyey ee maanta dhacay