Soomaali ku Guuleystay Doorasho Ka Dhacday Mareykanka

NAADIYA MOHAMED

Dalkan Mareykanka waxaa xalay doorashooyin ka dhacay dadkii ku guuleystay ka mid ahaa laba gabdhood oo Soomaali ah oo ku guuleystay kuraasta Golaha Deegaanka ee magaalooyinkooda.

Naadiya Maxamed oo ah 23 jir bisha December ee soo socota ka qalin-jabin doonta jaamacadda ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah, islamarkaana Soomaali ah oo ka mid noqda golaha deegaanka ee magaalada St Louis Park ee gobolkaasi.

Markii ay xaqiijisay in ay guuleysatay ayay Naadiya oo ay wehliso hooyadeed waxa ay si wadajir ah ugu warrameen wariyaheenna gobolka Minnesota, Maxmuud Mascadde.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso wareysiga Nadia Mohamed

Sidoo kale, Soomaalida guuleysatay waxaa ka mid ah Safiya Khalid oo caruurnimo qaxooti ahaan loogu keenay Mareykanka. Safiya ayaa noqoneysa Soomaaligii ugu horreeyay oo ku guuleysta xubinnimada golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Maine.

Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Safiya Khaalid wuxuuna ugu horeyn weydiiyay xilliga ay Mareykanka soo galeen.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhagayso Wareysiga Safiya Khalid

Waxaa isna xubinnimada Guddiga Waxbarashada ee magaalada Fridley ee gobolka Minnesota ku guuleystay Cabdisalam Aaden oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaasi.

Markii uu guuleystay kaddib ayuu Wariye Mascadde uga warramay dareenkiisa.

Your browser doesn’t support HTML5

Guji halkaan si aad codka u maqasho