Siyaasiga Dr Maxamed Cabdi Gaboose ooh ore dhowr xil uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Somaliland ayaa walaac ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee Somaliland haatan ka jirta.
Dr. Gaboose ayaa ugu baaqay madaxda sare ee xukuumadda inay ka hawl galaan sidii loo dhameyn lahaa kala qayb-sanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashadii madaxtinimo ee Somaliland ka dhacday sanadkii 2017-kii.
Warbixintan waxaa magaalada Hargeysa ka soo diray wariyaha VOA Khadar Maxamed Cakulle.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa eedeymaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ka jawaabay. Wariyaha VOA-da Sahra Ciidleh Nuur ayuu u waramay.
Your browser doesn’t support HTML5