Baarlamanka Puntland oo afhayeen cusub doortay

Cabdirashiid Yusuf Jibriil - Guddoomiyaha baarlamanka Puntland

Xildibaanada baarlamaanka Puntland ayaa maanta gudoomiyaha baarlamanka ee 4-ta sanno ee soo socota u doortay Abwaan Cabdirashiid Yusuf Jibriil.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa horey uga tirsanaa maamulkii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas.

Doorashadiisa ayaa timid toddobaad kadib markii mooshin xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.

Warbixintan waxaa magaalada Garoowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Baarlamanka Puntland oo afhayeen cusub doortay