Degmada Saakow oo lagu Dilay Sarkaal Al-Shabaab ah

Sakow, Somalia

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in duqayn ay ka dhacday meel u dhow magaalada Saakow ee gobolkaasi.

Duqayntan ayaa dhacday maanta, waxaana wararka laga helay ilo ku dhow dowladda Soomaaliya ay sheegayaan in lala bartilmaameedsaday xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wararku waxaty intaa ku darayaan in la dilay qofkii lala bartilmaameedsaday oo ah xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayay ku sheegeen in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Waxaan sii wadi doonaan iskaashiga aan la leennahay saaxiibadeenna Soomaaliya si aan u baabi’inno kooxaha argagixisada ah ee doonaya iney waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Brig. Gen. Miguel A. Castellanos oo ah ku-xigeenka agaasinta howlgallada ee Taliska AFRICOM.

Maraykanka ayaa inta badan qaada duqaymaha ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyagoo iskaashi kala sameeya dowladda Soomaaliya.

Sannadkan keliya ayaa Maraykanku sheegeen inay Soomaaliya ka geysteen 59 duqeymood.