Soomaalya: Tacaddiyada loo gaysto dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Maanta dunida waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, waxaana munaasabado arrintaas ku saabsan lagu qabty meelo ka mid ah Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ay ka dhacaan tacaddiyada bini'adannimada, ayada oo si gaar ah dadka qaba baahiyaha gaarka ay yihiin kuwa ugu nugul dhaibaatooyinka ka jira dalka.

Cabdifataax Maxamed Daahir, oo ah gudoomiayah ha'adda daryeelka naafada, waa qareen ka shaqeeya maxkamadda Soomaaliya. Waxa uu sheegay in xilligan ay dhowris la'aan xuquuqda aadanahay ay ka jirto dhanka dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan helin wadooyin iyo adeegyada aas -asiga ah ee dastuurka dalka uu siiyay.

Waxa uu la hadlay weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaalya: Tacaddiyada loo gaysto dadka baahiyaha gaarka ah qaba