Shaakir: Ahlu-sunna Waxay Dooneysaa Jagooyinka Sare ee Galmudug

Ururka Ahlu-sunna ayaa mar kale dhaliilay habka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso hannaanka dhismaha maamulka Galmudug.

Qoraal uu soo saaray Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayuu ka digay in haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isbaddal la iman weydo ay iyaguna bilaabi doonaan howlo ay ku soo dhisi doonaan maamul kale.

Sheekh Shaakir ayaa VOA u sheegay in ururka Ahlu-Sunno uu doonayo in Galmudug uu ka qabto jagooyin sare-sare oo la mid ah kuwii uu ururuku horey uga hayay maamulka Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada Galmudug ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashada, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isna magaalada Gaalkacyo ka wado howlo u gaar ah oo uu maamul ku soo dhisayo.

Haddaba, Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka telfoonka ee Dhuusomareeb kula xiriiray Sheekh Shaakir, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay muhimmada qoraalkan uu soo saaray.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi Sheekh Shaakir