Muuse Biixi oo ka hadlay kulankii Farmaajo iyo arrimo kale

Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay labada Aqal ee Somaliland ayaa ka warramay kulan uu dhowaan magaalada Addis-Ababa kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid aan qorsheysneyn, oo deg deg ku yimid, islamarkaana uusan jirin wax ajende ah oo uu la tagay.

Muuse Biixi ayaa sheegay in isaga oo kasoo bixi raba Addis-Ababa uu xafiiskiisa ugu yeeray ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed, una sheegay inuu soo socdo madaxweynaha Soomaaliya, oo halkaas ay isku arkeen.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo raali-gelintii uu dhowaan Farmaajo siiyey dadka Somaliland ee la xiriirtay tacaddiyadii ay u gaystay dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Muuse Biixi ayaa dhinaca kale sheegay inuusan aqbaleyn in madaxweyne Farmaajo uu yimaado Hargeysa, taasi oo maalmihii dhowaa la hadal hayey.

Khadar Maxamed Cakulle ayaa warbixintan kasoo dirar Hargeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Muuse Biixi oo ka hadlay kulankii Farmaajo iyo arrimo kale