Ciidamada dowladda iyo Jubaland oo ku dagaalamay Beled Xaawo

Cabdirashiid Janan

Xaaladda magaalada Beled Xaawo ayaa deggan kaidb dagaal culus oo maanta ka dhacay halkaas.

Dagaallada waxay dhexmareen ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa uu hoggaamiyo wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacayo laba qaybood oo ka mid ah magaalada, una dhow xududda Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdirashiid Janan ayaa horey uga baxsaday gacanta dawladda Soomaaliya waxayna dawladda Soomaaliya ka dalbatay Kenya inay usoo gacan geliso.

Janan waxa uu beeniyey eedaha ay dawladda Soomaaliya la xiriirinayso.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa khasaaraha dagaalkan ka waraystay Dr. Axmed Caddow oo ka tirsan cibsitaalka weyn ee magaalada Beled Xaawo.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal ka dhacay Beled-Xaawo