Muqdisho: Tallaabooyin looga hortagayo Coronavirus oo la qaaday

The ultrastructural morphology exhibited by the 2019 Novel Coronavirus

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday talaabooyin lagu yareynayo isu imaatinka dadka, iyadoo la xiray iskuulada, duulimaadyada oo la joojiyay, lana abuuray goobo lagu karantiilo cidii laga helo xanuunka Coronavirus.

Talaabooyinkan ayaa yimid ka dib markii 16-kii bishan kiiskii ugu horreeyay ee qof qaba Feyruskan la helay magaalada Muqdisho.

Go’aanka ayaa waxaa xalay ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sidoo kale ku dhowaaqay lacag lagula tacaalayo Coronavirus

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Muqdisho: Tallaabooyin looga hortagayo Coronavirus oo la qaaday