Go'aanada dowladda Kenya oo saameeyey ganacsatada Islii

Rabshado ka socda Islii

Ganacsatada yaryar ah ee Soomaalida ee Suuqa Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu si weyn u saameeyay go'aanada ay dowladda Kenya ku doonayso inay ku xakamayso faafitaanka xanuunka Coronavirus, ee ay ku soo rogtay guud ahaan dalka.

Go'aanadaasi waxaa kamid ah bandow xilliyada habeenkii ah oo ay dowladda Kenya dalka ku soo rogtay iyo xayiraadda la saaray makhaayadaha iyo diyaaradaha caalamiga ah.

Dadka saamaynta dhaqaale ka dareemaya go’aanadan ayaa waxaa kamid ah Haweenka leh makhaayadaha shaaha iyo xafiisyada Tikidyada diyaaradaha ee xaafada Islii.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa la kulmay ganacsatadaasi oo warbixintaana nooga soo diray magaalada Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Go'aanada dowladda Kenya oo saameeyey ganacsatada Soomaalida