Culumada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa ka hadlay waxa ay diinta Islaamka ka qabto ka hortagga cudurrada faafa sida Coronavirus oo haatan dhibaato badan ku haya dalalka caalamka.
Sheikh Maxamuud Maxamed Shibli oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa wareys uu siiyay VOA waxa uu kaga hadlayaa waxa la gudboon iney dadku sameeyaan si looga hortago khatarta cudurkan.
Wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed oo Sheikh Shibli wareystay ayaa ugu horreyn waydiiyey in xiliyadii hore ay jiri jireen cudurro la mid ah Coronavirus iyo sidii loola tacaali jiray iyadoo la raacayo diinta Islaamka.
Your browser doesn’t support HTML5