Soomaaliya: Qofkii labaad oo Coronavirus u geeriyooday

Wararka ka imanaya Muqdishu ayaa sheegaya inuu goor dhowayd geeriyooday Wasiiru dowlihii Cadaalada Hirshabelle Xildhibaan Khaliif Muumin oo dhowaan laga helay cudurka Corona Virus.

Xildhibaanka ayaa eheladiisa sheegeen inuu ka mid ahaa 9 ruux oo Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Corona Virus.

Waa qofkii labaad ee Soomaaliya ugu geeriyooda cudurkaas.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xuseen Xassan Dhaqane

Your browser doesn’t support HTML5

Qofkii labaad ee Soomaaliya ugu geeriyooday COVID-19